990 Views

DEG DEG: Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Cirro oo goor dhawayd xilka laga qaaday.

DEG DEG: Guddoomiyaha  Guddiga doorashooyinka heer Federaal Cirro oo goor dhawayd xilka laga qaaday.
____________________________________________________________________________


Sabti: December 25, 2021

 Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen guddoomiye Maxamed Xasan Cirro oo ahaa guddoomiyihii guddiga tan iyo markii la aasaasay.

Kulan ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka heer Federal oo ka dhacay Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in xilkii laga qaaday kadib markii laga soo gudbiyey mooshin iyo eedeyn.

Guddiga ayaa guddoomiyihii hore ku eedeyeey shaqo gudasho la’aan iyo inuu ku milmay siyaasadda.

Qodobada ay soo saareen guddiga ee lagu eedeeyey guddoomiye Cirro ayaa kala ahaa:

1 – In guddoomiye Maxamed Xasan uu xadgudub joogto ah ku hayo guddiyada doorashada.

2- Inuusan wax wada-tashi ah la sameyn guddoonka iyo guddiyada intiisa kale.

3 – In uu lumiyey madax banaanadii guddiga doorashooyinka isla markaasna uu baal maray xeerarkii guddi hoosaadka u yaalay iyo habraacii guud ee doorashada Dalka.

4 – Inuu iska qaatay go’aano qatar u keeni kara doorashada oo uusan guddiga waxba ka ogeyn kuna matalin.

5 – inuu sabab u noqday guddoomiyaha inuu xumaado xiriirkii ka dhaxeeyey guddiyada dhexdooda iyo golaha wada-tashiga Qaranka.

6 – Wada-shaqeyn xumo u dhaxeysa guddoomiyaha, guddiyada heer maamul Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post