669 Views

Maamulka Gobolka Gedo oo faah faahiyay dabka ka kacay Diyaaradda

Maamulka Gobolka Gedo oo faah faahiyay dabka ka kacay Diyaaradda
____________________________________________________________________________

Diyaarada oo siday Agab kala duwan kana baxday Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ay ku gubutay garoonka diyaaradaha degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Diyaaradda oo u rarneyd Hay’adda WFP ayaa waxaa ay siday Matooro ay leeyihiin dad Shacab ah, waxaana ka kacay dab xoogan taas oo sababtay inay diyaaradu gubato.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in uusan jirin qasaaro nafeed oo ka dhashay dabka ka kacay diyaaradda oo aan la demin, maadaama degmadaas aysan laheyn Gawaarida dabdemiska.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dabka ka kacay diyaaradda uu Maanta saameyn ku yeeshay Shaqada Garoonka oo istaagtay, isla markaana duulimaadyo badan oo ka degi lahaa Garoonka Dooloow ay baaqdeen.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in diyaaradda markii laga dejiyay Agabkii ay waday kadib uu dabka ka kacy, isla markaana uusan ka dhalan qasaaro nafeed.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in diyaaradda Shil ku yimid uu sababay dabka, balse uusan jirin dab ka kacay Gudaha Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Dhowr jeer oo hore ayaa diyaarado sidaan oo kale waxaa uu dab ka kacay xilli ay ku sugnaayeen Garoomo diyaaradeed oo ku yaalla degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post