834 Views

C/raxmaan C/shakuur oo la kulmay Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed

C/raxmaan C/shakuur oo la  kulmay Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa uu xalay dhex maray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur iyo Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu ka dhacay Hotelka Peace ee ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya kulamo lagu dhameynayo muranka ka taagan doorashooyinka soomaaliya.

Madaxda Soomaalida ayaa la filayaa in kulan maanta uu yahay mid xasaasi ah oo diirada lagu saarayo ajandaha shirka iyo sida ay u dhici doonto doorashooyinka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post