1167 Views

Talyaaniga oo laga helay haraadiga tuulo biyaha hoostooda ku luntay

Talyaaniga oo  laga helay haraadiga tuulo biyaha hoostooda ku luntay
____________________________________________________________________________

May 18 2021


Howlo dayactir ah oo ka socday meel loo dalxiis tago oo ku taalla dalka Talyaaniga ayaa laga helay haraadiga tuulo biyaha hoostooda ku luntay tobannaan sano ka hor.

Harada Resia, oo ku taalla dhinaca waqooyi ee dalkaas, ayaa caan ku ah minaaradda kaniisadda ee kasoo dhex muuqata biyaheeda barafka ah.

Goobtan taariikhiga ah ayaa xitaa dhiirrigalin u noqotay in buug laga qoro iyo in shirkadda Netflix ay ka sameyso filim musalsal ah.

Laakiin xilli ay hadda harada si ku meel gaar ah u qallalan tahay, dadka deegaanka ayaa fursad u helay in ay arkaan raadadkii ugu dambeeyay ee tuulada Curon.

Tuuladaas bari waxaa ku noolaan jiray boqollaal qof oo ay hooy u ahayd. Laakiin waxay ku quustay fatahaad dhacday sanadkii 1950-kii, waxayna gabi ahaanba isu baddashay meel ay biyaha ka korreeyaan.

Harada Resia – ama Reschensee oo looga yaqaanno Jarmalka – waxay ku taallaa gobolka South Tyrol ee dalka Talyaaniga, kaasoo xuduud la wadaaga dalalka Austria iyo Switzerland.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya raadadkii dadka, qolal la dagganaa iyo darbiyo, kuwaasoo dhammaantood salka u fadhiyay Harada.

Minaaradda kaniisadda ee harada lagu yaqaanno ayaa waxay dhisneyd tan iyo qarnigii 14-aad.

Luisa Azzolini, oo ka mid ah dadka kasoo jeeda gobolkaas, ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in ay “dareen xanuun badan kala kulmeen” ku dul socoshada burburka tuuladaas horay loo dagganaa.

Tuulada Curon waxay ku luntay daadad soo rogmaday 1950-kii, markaasoo dowladdu ay go’aansatay in ay dhisto biyo xireen kaddibna isku darto labo haro oo ku dhawaa – inkastoo dadka shacabka ay ay aad uga soo horjeedeen tallaabadaas.

In ka badan 160 guri ayay biyuhu qariyeen, shacabkii tuulada Curon ayaana sidaas ku barakacay – walow qaarkood ay go’aansadeen inay degaan tuulo cusub oo laga abuuray agagaarkaas.

Hadda, haradan waxay caan ku talay dalxiiska dadka buuraha fuula. Dadka soo booqda xilliga xagaaga ayay u suurtagashaa inay ku dul socdaan barafkeeda si ay u gaaraan ilaa minaaradda kaniisadda qadiimiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post