555 Views

Mareykanka oo laga yaaba inuu bartilmaameedsanayo laba gabdhood uu Putin dhalay

Mareykanka oo laga yaaba inuu bartilmaameedsanayo laba gabdhood uu Putin dhalay
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 6, 2022

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in ay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Ruushka Arbacada maanta, taasoo jawaab u ah eedeymaha Ukraine ee ah in ciidamada Ruushka ay dambiyo dagaal ka geysteen magaalada Bucha.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay in Maraykanku uu cunaqabatayn ku soo rogi doono maalgashiga cusub ee Ruushka, isla markaana uu cunaqabatayn dheeraad ah saarayo hay’adaha maaliyadda ee Ruushka, iyo sidoo kale saraakiisha Kremlin-ka iyo qoysaskooda.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Washington ay ka fiirsaneyso cunaqabateyn dheeri ah oo lagu soo rogo laba gabdhood uu dhalay Putin.

Danjirayaasha Midowga Yurub ayaa Arbacada tixgelin doona qorshaha cunaqabateynta, oo ay ku jirto mamnuucidda soo dejinta dhuxusha Ruushka, iyo ka hortagga inta badan maraakiibta Ruushka laga leeyahay ama laga maamulo inay isticmaalaan dekedaha Midowga Yurub.

.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post