681 Views

Booliska Maamulka Galmudug oo xabsiga dhigay Guddoomiye degaan

Booliska Maamulka Galmudug oo xabsiga dhigay Guddoomiye degaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 04, 2021–Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta waxaa ay xireen guddoomiyaha degaanka Ceeldheere Cabdulaahi Cabdiraxmaan Raage (Xaduur).

Ciidamada oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kasoo xireen degaanka uu guddoomiyaha ka yahay ee Ceeldheere oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha loo xiray Guddoomiyaha, waxaana Wararka la helay ays sheegayaan in loo heysto in uu u gacan qaadey oo uu weerarey Taliyaha Ilaalada Koontaroolada Dhamme Cabdi Yare.

Khilaafka labada mas’uul ayaa waxaa la sheegay in uu salka haayo kadib markii xilka laga qaadey Maxamed Axmed maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee Booliiska Ceeldheere, iyadoo Booskaasi loo magacaabey Faarax Geele xiireey oo xilka kala wareegay.

Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo laamaha Amniga degmadaas weli kama hadlin khilaafka ka dhex-jira Guddoomiyaha degaanka Ceeldheere ee Maanta la xiray iyo Taliyaha Ilaalada Koontaroolada Dhamme Cabdi Yare.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post