2481 Views

Mid Kamid Ah Suuqyada Ugu Weyn Muqdisho Oo Maanta Albaabada Loo Laabey

Mid Kamid Ah Suuqyada Ugu Weyn Muqdisho Oo Maanta Albaabada Loo Laabey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 11, 2018  –  Waxaa Maanta gebi ahaanba la xirey Goobihii Ganacsiga ee Xaafada  Suuq boocle ee degmada Dharkenley, ka dib markii Ganacsatada Suuqaasi lagu amrey in ay bixiyaan lacago uu Maamulka ku soo rogay.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in Todobaadkii la soo dhaafay loo keenay Warqad ka timid maamulka degmada taas oo lagu amrayey in ay bixiyaan lacago xad dhaaf ah,balse ay taasi ka biyo diideen.

Hayeeshee maanta ay Suuqa tageen Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada,isla markaana ay mareen in gebi ahaanba la xiro Ganacsiga,sidoo kalena ay Xabsiga dhigeen qaar ka mid ah Ganacsatada.

Sawirro laga soo qaaday suuqa ayaa muujinaya badi Goobihii Ganacsiga ee xaafada Suuq Boocle oo albaabada ay u laaban yihiin,isla markaana aanan Maanta ka jirin wax Ganacsi ah.

Hoos Ka Daawo Sawirada Suuqa oo maanta xiran iyada oo goordhow soo gudbin doono Codadka qaar ka mid ah Ganacsatada.

SUUQ-LAXIRAY-4 SUUQ-LAXIRAY-3 SUUQ-LAXIRAY-2 SUUQ-LAXIRAY-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment