933 Views

Musharaxiin ka tanaasulay u tartamida Madaxweynaha Jubbaland

Musharaxiin ka tanaasulay u tartamida Madaxweynaha Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 20, 2019 —Magalada Kismaayo waxaa Maanta kaga dhawaaqay inay  ka tanaasuleen mushaarxnimadii Madaxweynenimo ee Jubbaland  Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi oo ka mid ahaa musharixiintii is diiwaangeliyay ee Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland..

 

Shir jaraa’id uu ku qabtay Magalada Kismaayo Cabdi Xiis  ayuu sheegay in uu yahay aqoon yahan u qalmo xilkaas,hayeeshee uu ka tanaasulay,kadib markii uu xeeriyay xaaladaha ka jira jubbaland iyo dalab uga yimid beesha uu ka dhashay uu tanaasulay.

 

Waxaa uu sheegay in uu u arkay in danta gaarka ah laga hormariyo danta Jubbaland,isaga oo Shacbaka u rajeeyay, Amni Barwaaqo,isla markaana uu Alle ka baryay in Shacabka Jubbaland uu ka saaro duruufaha ku xeeran doorashada Jubbaland.

 

Djinaca kale Axmed Cabdi oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa tanaasulay islamarkaana go’aansaday in uu ka haro tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

 

Waxaa uu sheegay in uu u tanaasulay sababo isaga u gaar ah iyo danta Shacabka ku nool deeegaannada Maamulka Jubbaland.

 

Ka haritaanka laba mid ka mid ah musharixiinta Jubbaland tartanka Madaxweynenimo ayaa kusoo aadeysa xilli maanta khudbadahooda musharaxnimo ay jeediyaan Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment