732 Views

Ciidanka qeybta 27-aad oo saakay Howlgalo ka Sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidanka qeybta 27-aad oo  saakay Howlgalo ka Sameeyay  deegaano ka  tirsan gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

 April 18- 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad ay saakay ka fuliyeen deegaano ka  tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Taliska guutada 5-aad qeybta 27-aad militeriga Soomaaliya ayaa hawlgallo burburin ah oo ka dhan ah Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ka fuliyey degaanada Baar, Jaambeyrow, iyo Caloolacad, oo dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Howgalkaas ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku burburiyeen, kuna qabsadeen deegaanadaan ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post