2106 Views

SAWIRO:-Ciidamada Somaaliland oo gacanta ku dhigay lacag Dollar been-abuur ah

SAWIRO:-Ciidamada Somaaliland oo gacanta ku dhigay lacag Dollar been-abuur ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 10, 2019 —Howlgal ay Magalada Burco ah ka sameeyeen Ciidamada Soomaaliland ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen lacag Dollar been abuur ah (felso) iyo laba qof oo la sheegay inay ahayeen kuwii lacagtaasi sameeyay.

Ciidamada Booliska Sooomaaliland ayaa saldhiga Burco kusoo bandhigay laba Ruux iyo lacagta oo cadad ahaan dhan 1,100 oo Dollar (kun iyo Boqol Dolar) oo been abuur ah,waxaana saraakiisha Booliska ay sheegeen in lacagtaas ay aheyd mid lagu sirayay dadka Ganacsatada ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomalailand ee Gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Faarax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagta ay qabteen ay gebi ahaan tahay 1,368 oo 260 ka mid ah ay tahay lacagta Soomaaliland oo Kooxaha la qabtay loo soo celiyay, kadib markii ay dadka siiyaan Dollarka felsada ah.

Waxa uu ugu baaqay Shacabka iyo Ganacsatada ku nool Gobolka Togdheer inay ka digtoonaadaan dadka Gobolka soo geliyay lacagtaas,waxaana uu sheegay in labada qof ee la qabtay baaritaano ku sameynaa,isla markaana Maxkamad la horgeyn doono.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment