1248 Views

Puntland Oo Shaacisay Qorshaha Ciidankood Mushaaraadka Lagu Siinaayo

Puntland Oo Shaacisay Qorshaha Ciidankood Mushaaraadka Lagu Siinaayo
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 18, 2019–Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Puntland  Xasan Shire Abgaal oo shalay xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa ka hadlay qorshaha ay Wasaaradda Maaliyadda ku dooneyso in ay Ciidamada Puntland Mushaaraadkooda ku siiso .

Waxa uu sheegay Wasiir Xasan Shire in Ciidamada Puntland ee Mushaarka la siinaayo ay noqonayaan kuwo diiwaan gashan,isal markaana ay la yimaadan shaqo wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in qorshaha Ciidamada Puntland xuquuqdooda lagu siinaayo ay ku imaan karto Ganacsatada reer Puntland oo bixiyaan lacagta Canshuurta ayna Wasaaradda ka shaqeyso.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay Wasiir Xasan Shire in uu la shaqeyn doono shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland,isagoo u rajeeyay Shaqo wanaagsan

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment