1299 Views

Sawiro:-RW Khayre Oo Xalay Kulan Laqaatay Dhalinyarada Caabuudwaaq

Sawiro:-RW Khayre Oo Xalay Kulan Laqaatay  Dhalinyarada Caabuudwaaq
____________________________________________________________________________

Caabudwaaq  | QOL | Juun 29, 2019Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan xildhibaanno deegaan doorashadoodu ay tahay Caabuudwaaq iyo wasiirro ayaa gudaha Caabuudwaaq ee gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada.

Dhallinyarada oo kulanka su’aalo ku waydiiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay talooyin iyo tusaalooyin ka qayb qaadanaya horumarka iyo hagaajinta Mustaqbalka dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida mawaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahaynlagu sugin isbedelka dalku u baahanyahay.

—DHAMMAAD—-

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Caabudwaaq 

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment