1017 Views

Madaxwaynaha Puntland oo goor dhawayd soo gaaray Muqdisho

Madaxwaynaha Puntland oo  goor dhawayd  soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeybgalo shirka Golaha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmi doona Teendhada Afisiyoone ee Xeyndaabka xerada Xalane ee Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xubno iskugu jira xildhibaano iyo wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kamid ah masuuliyiinta ka qeyb galaya shirka golaha wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul wasaare Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post