312 Views

Madaxda dhaqanka SSC oo kulamo hordhac ah ku yeeshay Magaalada Laascaanood

Madaxda dhaqanka SSC oo kulamo hordhac ah ku yeeshay Magaalada  Laascaanood
____________________________________________________________________________

 Talaado: January 24th, 2023 

Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC ayaa leh kulan gaar ah oo ay uga hadlayaan mustaqbalka deegaanadooda, xili dhawaan la qorsheynayo kulan-weynaha guud.

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo mudo dheer aan kulmin ayaa saaka kulmay, taas oo bulshada gobaladaas uga dhigan ifafaalo xoogan oo Aayahooda mustaqbal jid u bixinaya.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qayb galay Madaxda dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale weli gobolka ka socda Soo dhowaynta Madaxda dhaqanka, iyadoo maanta Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan oo ka yimid magaalada Taleex siwayn loogu soo dhoweeyay Carooley, Tukaraq iyo magaalooyin badan intii aanu soo gaadhin Laascaanood, waxaana dadku kusoo dhowaynayeen calanka Khaatumo iyo Midka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post