1182 Views

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo xafiis ka furey Dhuusamareeb

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo xafiis ka furey Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Khamiis: : September 16, 2021

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed,Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furey xafiis loogu talagalay fududeynta arrimaha cayaaraha Galmudug, sidoo kale waxaa uuwareejiyay gaari xafiisku yeelan doono.

Sidoo kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu soo gabagebeeyay tababar u socday 25 garsoore iyo 12 maclin oo xiriirka kubadda cagata Soomaaliya ku bareen casharo la xiriira cayaaraha iyo horumarintooda.

Mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa xiritaanka munaasabadda ka sheegay in garsooriyaasha tababarka ka faa’ideystay ku filnaan doonaan qabashada cayaaraha deegaanada Galmudug.

Xasan Axmed Shire, guddoomiyaha xiriirka kubabadda cagta Galmudug, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in aqoonta dhalinyaradan ka heleen tababarka ay wax badan ka bedeli doonto isla markaana horumarin doonta cayaaraha.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug mudane Axmed Xassan Cali -Axmed Dheere ayaa ugu dambeyn garsoorayaasha la tababrey kula dardaarmey in ay aqoontooda sal uga dhigaan in ay u sinnaadaan kooxaha ay u garsoorayaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post