828 Views

Ciidamada xoogga oo Howlgalo ka sameeyay Shabeellada Hoose

Ciidamada xoogga oo Howlgalo ka sameeyay Shabeellada Hoose
____________________________________________________________________________


Isniin: February 14, 2022

-Ciidanka kumaandooska Danab  ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyey Aroortii hore ee saakay Agagaarka deegaanka Toorotoorow ee gobolka shabeellada Hoose.

Ujeedka howgalka ayaa ahaa sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Ciidanka Danab mid lagu baadi goobayay xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ayaa sheegay In Inta uu socday howlgalka  lagu soo qabtay 10 ka tirsan Dagaalameyaasha Al-shaabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post