546 Views

Xiisad salka ku hayso dilal ka dhacay Marka oo magaaladaas ka taagan

Xiisad salka ku hayso dilal ka dhacay Marka oo magaaladaas ka taagan
____________________________________________________________________________

Axad: April 10, 2022

Wararka ka imaanaya Magaala Madaxda Gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka, waxaa ay sheegayaan inay ka dhaceen dilal kale duwan oo loo geystay Askar ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida (NISA) ee ka howlgala Magaaladaas.

Labada askari ayaa lagu kala dilay Magaalada Marka gudaheeda, waxaana dilkooda la sheegay in salka uu ku hayo aanooyin qabiil kuwaas oo ka jira  Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay halkaas ka taagnaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleeno Magaalada Marko ayaa sheegaya in laga dareemayo  xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo dhowr jeer dad iska dilay.

Sidoo kale, waxaa xiran guud ahaan saaka xiran goobaha Ganacsiga magaada Marka, kadib  dilalka ka dhacay awgeed sida dad goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen.

Laamaha ammaanka Gobolka iyo maamulka magaalada Marko wax war ah kama aysan soo saarin dilalka loo geystay askarta ka tirsan Ciidanka NISA, kuwaas oo salka ku hayo aanooyin qabiil oo muddo badan ka taagnaa.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post