675 Views

Iraan oo dil ugu hanjabtay Donald Trump

Iraan oo dil ugu hanjabtay Donald Trump
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 23, 2021
—Hoggaamiyaha sare ee dalka Iraan, Ayatullah Cali Khamenei, ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal iyo sawir u muuqda mid ku baaqayo in la weeraro madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, si loogu aargudo dilkii sanadkii hore Mareykanka u geystay taliyihii ugu sarreeyay militariga Iraan, janaraal Qaasim Suleymaani.

Sawir la soo dhigay boggiisa rasmiga ah ayaa muujinayay madaxweynihii hore ee Mareykanka oo golf ciyaaraya, xilli la arkayo hooska wax u eg diyaarad dagaal ama diyaarad weyn oo ah nooca aan lahayn duuliyaha ee Drones-ka loo yaqaan.

Shirkadda Twitter ayaa xirtay cinwaan yar oo dad badani aysan ku taxnayn oo markii ugu horreysay lagu daabacday sawirkaasi.

Haweeney afhayeen ah oo u hadashay Twitter ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, in cinwaankaasi – @khamenei_site – uu yahay mid been abuur ah isla markaana uu ku xad-gudbay nidaamka iyo siyaasadda shirkadda Twitter.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ku lifaaqan sawirkaasi oo ku qoran luuqadda Farsiga ayaa waxaa sidoo kale dib loogu faafiyay cinwaanka rasmiga ah ee Ayatullah Cali Khamenei uu ku leeyahay Twitter-ka, oo ay ku taxan yihiin in ka badan 300,000 oo qof. Balse markii dambe ayaa la tirtiray oo laga saaray boggaasi Twitter-ka ee Khamenei.

BBC SOMALI

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post