1257 Views

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Gobolada Waqooyi.

Magaalada Muqdisho  waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Gobolada Waqooyi.
____________________________________________________________________________


Axad: December 19, 2021

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo galay dhinaca gobollada waqooyi (Somaliland).

Guuleed Biixi Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga HOP#255 ee la qabtay, wuxuuna helay 58 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada.

Sidoo kale Axmed Maxamuud Muxumed oo horay kursigan ugu fadhiyey ayaa helay 22 cod, halka musharaxa saddexaad ee tartamay Cabdullahi Biixi Xuseen uu isna helay 21 cod.

Kursiga HOP#262 ayaa waxaa sidoo kale dib loogu doortay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo heshay 93 cod, kadib markii ay tanaasushay Caasho Aadan Yuusuf oo la tartami laheyd.

Natiijada soo baxday doorashada maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye ayaa aheyd mid la filayey, loona saadaalinayey xubnaha la doortay.

Qabashada doorashadan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota dalka.

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii shaqada laga eryey illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, kadib markii lagu eedeeyey inay ku milmeen arrimaha siyaasadda ee ka jira gudaha dalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post