597 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku baaqay dib u dhiska Isbitaalka Beladweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku baaqay dib u dhiska Isbitaalka Beladweyne
____________________________________________________________________________


Isniin: March 28, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xueeen Guudlaawe ayaa maanta kormeer ku tagay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu ka soo gaaray weeraro ay argagixisadu la eegteen.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeerka uu ku heliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo burbursan dhamaana ay baabi’iyeen wixii qalab iyo daawo ahaa ee isbitaalka yiilay.

Mudane Cali Cabdullaahi Xueeen Guudlaawe ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii ay argagixisadu la bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, Jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgelinta isbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post