1296 Views

Dacarta sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Afrika oo dabar go’ ku dhaw

Dacarta sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Afrika oo dabar go’ ku dhaw
____________________________________________________________________________


Talaado: August 10, 2021

 Waxaa sare u kacay tirada dacarta laga dhoofiyo gudaha Kenya arrintaas oo horseedi karto inay dabar go’do, sida wargeyska Daily Telegraph ay u sheegtay Emily Wabuyele oo ka shaqeysa ilaalinta dhirta.

“Dacarta waa la qariyaa iyadoo sida qudaarta dalka looga daabulo, haddii dacarta laisku daweyn karo markaa waxay halis ugu jirtaa inay dabar go’do”

Wargeyska Daily Telegraph ayaa ku warramay in dacarta si sharci darro ah loogu dhoofiyo Yurub iyo Asia kuwaas oo laga qaado dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika.

“Waxay dabar gooynayaa geedkan, waa geed da’ weyn, arrintani waa masiibo” ayay tiri Emily Wabuyele.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post