756 Views

Guddiga gargaarka Guriceel ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Guriceel

Guddiga gargaarka Guriceel ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Guriceel
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

Guddigaan uu hogaaminayay Wasiirka gargaarka Galmudug ayaa ka kooban Wasiirada Maaliyadda, Gargaarka, Caafimaadka, Waxbarashada, Qorshaynta, Haweenka iyo Wasiiru dowlayaasha Arrimaha Galmudug iyo Amniga ayaa ka shaqayn doona sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee Guriceel ee istaagay intii ay joogeen kooxda hubaysan ee la magac baxday Ahlusunna.

Wasiirada ayaa indha indhayn kusoo sameeyay goobihii lagu dagaalamay, iyagoo intaas kadib warbaahinta kula hadlay magaalada oo ay sheegeen inay dib u soo celinayaan adeegyadii bulshada ee magaalada Guriceel.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay Wasiirada isagoo uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Guriceel iyo qorshaha uga degsan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post