1500 Views

Kooxo hubeysan oo watay Meaza Mohammed oo ah Suxufiyad caan ah oo degeneed Magaalada Addis Ababa

Kooxo hubeysan oo watay Meaza Mohammed oo ah Suxufiyad caan ah oo degeneed Magaalada Addis Ababa
____________________________________________________________________________


Sabti: December 11, 2021

Kooxo hubeysan oo aan xirneen dharka Ciidanka isla markaana aan la aqoonsan ayaa watay Meaza Mohammed oo ah Suxufiyad caan ah oo degeneed Magaalada Addis Ababa Caasimadda Itoobiya.

Robel Gebeyehu oo ah Seyga Suxufiyaddaan ayaa sheegay in uusan garaneyn halka lala aaday Marwadiisa, Cidda wadatay & sababta ka dambeysay in la wato iyada oo ka shaqo tagtay Hoygeeda.

Meaza waa Madaxa ahna aasaasaha barta online-ka ee Roha Media, waxa ay kasoo shaqeysay xarumo kala duwan oo Warbaahin kuna yaalla Dalka Itoobiya, Booliiska federaalka ayaa lagu wargeliyaya dhacdadaan.

Gebeyahu waxa uu Addis Standard u sheegay in ka welwelsan yahay arrintaan, maadaama marwadiisa ay ku maqan tahay koox aan la garan oo aan xitaa xirneen dharka ciidamada si loo aqoonsado.

“Ma garanayo halka lagu hayo ama lala aaday, Kooxda wadatay ma xirneen dharka Ciidanka mana aqoonsan ilaa hadda” sidaasi waxaa yiri Robel Gebeyehu oo ah Seyga Haweeneyda Suxufiyadda ah ee loo badinayo in la afduubtay.

Sanad & bil waxaa Itoobiya ka jiro qalalaase ka dhashay dib u dhigista Doorashada Federaalka, dagaallada ka socda dalkaas waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowladda iyo xoogagga TPLF ee kasoo horjeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post