1107 Views

Dhul Gariir cabirkiisu yahay 5.2 oo ku dhuftay Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed & Biyaha Soomaaliya.

Dhul Gariir cabirkiisu yahay 5.2 oo ku dhuftay Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed & Biyaha Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Dhul gariir Cabirkiisu yahay 5.2 (magnitude) ayaa ku dhuftay Qaybo kamid ah Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed & Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalo xeebeeyada dhaca Waqooyiga Dalka sida ay ku xog-warantay Hay’adda Mareykanka u qaabilsan la socodka dhul-gariirada.
Khasaare ma geysan, balse waxa uu qalqal geliyay dhul-gariirkaan oo dhanka Badda ahaa isu gudubka Maraakiibta iyo doomaha kalluumeysiga sida ku cad warbixinnada horudhaca ah ee laga helay.


Qaybo kala duwan ayaa laga dareemay dhul-gariinkaan waxaana kamid ah Waqooyiga iyo koofurta Ameerika, Yurub, Aasiya iyo Jasiirado kala duwan inkasta oo saacado kooban dhaq-dhaqaaqa badda socod sameysay.
Warbixinnada qaar ayaa cabirka dhulka gariirka kala duway oo waxa ay gaarsiiyeen ilaa 5.5 Magnitude oo ah qiyaasta lagu ogaado inta uu gaarsiisan yahay, inkasta oo aanay jirin faah-faahino ay bixiyeen Dowladaha sida gaarka ah uu u saameeyay Dhul-gariirkaan dhanka Badda ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post