951 Views

Hir-shabeelle oo maanta la filayo in ay qabato doorashada Seddex kursi.

Hir-shabeelle oo maanta la filayo in ay qabato doorashada Seddex kursi.
____________________________________________________________________________


khamiis: March 10, 2022

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo shalay shaaciyay in ay fasaxeen kuraas hore loo hakiyay oo seddex gaareysa, ayaa diiwaan geliyay musharixiinta u tartameysa kuraastaas.

Kursiga Hop#030 oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu taalo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah:

Daahir Amiin Jeesow oo ahaa xildhibaankii hore ugu fadhiyay Baarlamaankii 10-aad, halka kursigaas uu isna kula tartamayo Cali Cabdulllaahi Xeefow.

 Sidoo kale, Kursiga Hop#010, waxaa hore kursigaan ugu fadhiyay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, balse waxaa ku tartameysa haatan oo loo diiwaangeliyay musharixiin kale.

Guddiga ayaa diiwaangeliyay kursiga Hop#066 o ay ku tartamayaan musharixiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cumar Cismaan Waasuge oo hore ugu fadhiyay Xildhibaan Cumar Cismaan Waasuge.

Guddiga doorashada ayaa maanta qorsheenaya in ay qabtaan doorashada kuraastaas Seddexda ah, iyadoo qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka heer federal lagu fasaxay qabashada doorashadooda kuraastaas.

Office Nairtobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post