972 Views

Maraykanka oo lacag uu Afghanistan ka xayiray ku bixinaya dacwadahada dadkii ku waxyeeloobay 9/11

Maraykanka oo lacag uu Afghanistan ka xayiray ku bixinaya dacwadahada dadkii ku waxyeeloobay 9/11
____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Xukuumadda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay ku bixiso lacag dhan 7 bilyan oo doolar oo Afghanistan kaga xayiran dalkeeda mag dhaw la siinayo dadkii ku waxyeeloobay weerarradii 9/11 iyo in inta kale gargaar looga dhigo dalkaas.

Washington ayaa lacagtaa xayirtay markii Daalibaan talada dalkaas la wareegtay sannadkii hore laakiin laakiin waxa cadaadis ka saarraa sidii ay u heli lahayd xal lagu isticmaali karo lacagtaas iyada oo aan loo gacan gelinayn mitidiinta.

Af-hayeen u hadlay Daalibaan ayaa cambaareeyey tallaabadaas waxaanu ku tilmaamay “tuugo” iyo wax caddayn u ah “akhlaaq xumo”.

Talaabadan ayaa ku dhaqan galaysa amar madaxweyne oo arinta ka dhigaya xaalad degdeg ah.

Mohammed Naeem, oo ah af-hayeenka xafiiska siyaasadda Daalibaan ee Qatar ayaa Jimcihii qoraal uu Twitter-ku ku baahiyey ku sheegay in qabsashada lacagtaa uu leeyahay bankiga dhexe ee Afghanistan tahay “tuugo” oo ay “astaan u tahay heerka ugu hooseeya ee akhlaaq xumada aadamaha”.

Daalibaan waxay hore uga digtay in hadii lacagtaas loo soo celin waayo ay taasi keeni karto “dhibaatooyin” ay ka mid yihiin in dadku dalka ka suudalaan iyo dhaqaalaha oo duma.

Dhaqaalaha Afghanistan hoos buu u sii hoobanayey tan iyo intii Daalibaanku talada qabsadeen, waxaanay Qaramada Midoobay ka dardaar werisay in dalkaasi qarka u saaran yahay “saboolnimadii ugu ba’nayd dunida” oo ah 97% marka la gaadho badhtamaha sannadka 2022.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post