2850 Views

Madaxweyne Farmaajo oo kaqeyb geli doona finalka ciyaarta xulka 17-Jirada Soomaaliya & Tanzania

Madaxweyne Farmaajo oo kaqeyb geli doona finalka ciyaarta xulka 17-Jirada Soomaaliya & Tanzania
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 28, 2018 –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa go’aansaday inuu goobjoog ka noqdo finalka koobka bariga & bartamaha Africa oo ay cayaarayaan wiilasha 17-jirada ah ee dalkeena.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u duulo dalka Burundi si uu goobjoog ka noqdo finalka koobka bariga & bartamaha Africa oo ay Cayaarayaan Xulka 17-jirada ah ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u xaqiijiyeen in Madaxweyne Farmaajo Maanta ama gelinka hore ee Beri uu u ambabixi doono dalka Burundi oo Sanadkaan martigelinayay koobka bariga & bartamaha Africa.

Waa markii ugu horeysay oo Xulka Soomaaliya ay soo gaaraan kama dambeysta koobka bariga iyo bartamaha afrika,iyada oo Shacabka Soomaaliyeed ay aad u soo dhaweeyeen.

 

 

 

 

.

.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment