741 Views

Guddoomiye Waaxeed sheegay in la afduubtay qaar kamid ah ilaaladiisa

Guddoomiye Waaxeed sheegay in la afduubtay qaar kamid ah ilaaladiisa
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 21 2020
—Guddoomiyaha Waaxda Afaraaad  degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rag hubeysan ay afduubteen laba kamid ah ilaaladiisa xilli ay ku sugnaayeen deegaankaas.

Maxamuud Xaashi Cali oo la soo xiriiray Radio Risaala ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay Gaari nooca raaxada ah ay wateen laba askari oo kamid ahaa ilaaladiisa oo mid kamid ah hubeysnaa meel u dhow Xerada Asluubta e Waaxada Afaraad ee Garas baaleey.

Waxaan wax ka weeydiinay dadka uu ku tuhmayo inay labada askari afduubteen ayuu sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin cid uu ku tuhmayo ama uu og yahay inay ka dambeysay, hayeeshee baaritaan ay u galayaan.

Waa mid kamid ah dhacdooyinka ku cusub dalka sanadihii ugu dambeeyay, iyada oo ay jiri jirtay in dad aan hubeysneyn la afduubtay ehelkoodana lacago la weeydiisto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post