3678 Views

Wasiir hore Juxa ”Go’aankii dowladda ay ku taageertay Sacuudiga waxa uu u muuqdaa mid lagu qasbay”

Wasiir hore Juxa ”Go’aankii dowladda ay ku taageertay Sacuudiga waxa uu u muuqdaa mid lagu qasbay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 10, 2018 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay go’aankii ay ku taageertay dowladda Sacuudiga oo khilaaf uu xiligaan kala dhaxeeyo dowlada Canada.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha dibada aysan wanaagsaneyn in xilligaan ay faraha la gasho arrimaha khilaafkaas ee labada dowladood balse ay u muuqatay mid lagu qasbay.

“Waxaa ii muuqda aniga runtii aniga Siyaasada Arrimaha dibada oo ah mid qarda-jeex ah,waxa ugu dambeeysay arrinta u dhaxeysa Sacuudiga iyo Canada waxayna iila muuqataa in uu yahay Go’aankaas mid lagu qasbay ayuu yiri Wasiir hore Juxa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Canada ay Soomaaliya abaal farabadan u gashay,isla markaana Soomaalia farabadan ay ku sugan yihiin dalkaas,sidoo kale Sacuudiga uu yahay dal Soomaaliya Walaalo la’ah,taasina ay ku wnaagsaneyd in aan faraha lala gelin.

Dad badan oo siyaasida la socda ayaa aad ugu dhaliilay dowladda Soomaaliya Go’aankii ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya Wadamada Sacuudiga iyo Canada,iyaga oo sheegay in ay ku fiicneyd in ay dhex dhexaad ka noqoto.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment