1053 Views

SAWIRO:-Xubno ka socda DFS & Dowlad goboleedyada oo shir yeeshay

SAWIRO:-Xubno ka socda DFS & Dowlad goboleedyada oo shir yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 25-2019 —Kulan wada tashi ah oo ay wada yeesheen Wasaaradda qorshaynta Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa  lagu lafa guray halka uu marayo qorshaha horumarinta Qaranka.

 

Shirka Golaha horumarinta Qaranka ayaa si wayn looga hadlay diyaarinta qorshaha horumarinta oo heer gabo-gabo ah maraya, kaasi oo dhowaan lagu wado in la hor geeyo golaha Wasiirrada si ay u meel mariyaan.

 

Qorshahan ayaa sida ku cad waxaa ka mid ah siyaasadda deeqaha Caalamka uu siiyo Soomaaliya, kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka , khayraadka, horumarinta wax soo saarka , dhismaha Waddooyinka , kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka Dhallinyarada, maalgashiga ganacsiga ,maaraynta Biyaha iyo xoojinta dowladnimada .

 

Wasiirka Wasaaradda Qoshaynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, mudane; Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahaan uu wax badan ka duwan yahay kuwii hore, maadaama ay haatan Soomaaliya ganacteeda ku sameeysaneyso si loogu saleeyo baahiyaha dalka ka jira.

 

Asad Yuusuf  Qanyare, Maareeyaha horumarinta qorshaha qaranka ayaa sheegay in ay maalmaha soo socdo ay horgayn doonaan qorshahaan golaha Wasiirada, si loo meel mariyo.

 

Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Novembar 2018kii kii meel mariyay geeddi socodka qorshaha Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu shaqeeyo Shanta Sana ee soo socota.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment