12402 Views

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulmay

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho (Horumar Online) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah kasoo baxaya kulankii saacadaha qaatay ee Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa gaaray Xarunta Villa Somalia iyadoo aan loo xirin wax wado ah, waxaana xiliga uu wadada Makka Al-mukarama maraayay garab socday gaadiidka shacabka oo aan la dareensiinin wax dhibaato ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa amnigiisa sugaayay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada AMISOM uu diiday inay galbiyaan.

Farmaajo-iyo-Xasan-oo-ku-kulmay-Villa-Soomaaliya-1

Kulanka oo saacado qaatay kadib ayaa waxaa ku biiray Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxtooyada Somalia kuwaa oo la kala baraayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Farmaajo.

Waxyaabaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Isbedelka, Xil wareejinta iyo arrimo kale oo ku saabsan dhismaha Dowlad kaafisa dhammaan shacbiga Soomaaliyeed.

Intaa kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa indha indheeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha Villa Somalia iyo xafiisyada ay ka kooban tahay ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Madaxtooyada.

Farmaajo-iyo-Xasan-oo-ku-kulmay-Villa-Soomaaliya-4

Gudaha bishaani ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo lagu wareejiyo xilka, si loo dardar galiyo howlaha Qaranka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inuu magacaabo Ra’isul wasaaraha dalka si loo soo dhiso Xukuumada Somalia, ee bedeli doonta Xukuumadii hore ee iminka dhacday.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: ” Madaxweynaha cusub ee J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa igu soo booqday Madaxtooyada, oo maalmo ka dib si rasmi ah igala wareegi doona xafiiska”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh oo ay ka muuqatay jaceyl iyo farxad ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha cusub waxayna kormeer ahaan usoo mareen qeybaha ay ka kooban tahay madaxtooyada.

Wuxuu sidoo kale soo dhigay muuqaalka soo dhaweynta madaxweynaha cusub uu u sameeyey waxaadna ka daawan kartaa qeybta hoose ee warbixintaan.

Farmaajo-iyo-Xasan-oo-ku-kulmay-Villa-Soomaaliya-2

Farmaajo-iyo-Xasan-oo-ku-kulmay-Villa-Soomaaliya-3

.

.

.

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment