840 Views

Al-shabaab oo shirkada dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ka dalbatay lacag laaluush

Al-shabaab oo shirkada dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ka dalbatay lacag laaluush
____________________________________________________________________________

May 30 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kadib al-shabaab Xiriir ay la soo samaysay maamulka dhisaya wadada aada  Balcad oo ay ka dalbadeen lacago Boqolal kun oo Dolar ah in laga siiyo.

Alshabaab ayaa lacag ka dalbaday shirkadaha qaatay qandaraaska dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo hadda billow ah. Taasi oo u muuqata hadii aysan siin in ay Dilal iyo Qaraxyo la Beegsamn Doonaan.

Kooxdan sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa dalbaday lacago boqolaal kun oo dollar ah oo ay sheegeen in ay tahay canshuurta dhismaha wadadaan, iyagoo sheegay haddii la siin waayo in ay ka geysan doonaan weeraro lagu beegsan doono shaqaalaha iyo shirkadaha ku howlan dhismaha wadada. 

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ayaa  sheegay in ay raadinayaan arintaan , balse ay tahay wax dhici kara markii loo eego dhibaatadii laga maray dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post