327 Views

Weerar loo Adeegsaday Mindi oo ka dhacay Dalka Germalka

Weerar loo Adeegsaday Mindi oo ka dhacay Dalka Germalka
____________________________________________________________________________

`Khamiis: January 26, 2023 

Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay labana waa lagu dilay weerar mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday tareen u dhexeeya Kiel iyo Hamburg oo ku yaalla saldhig ku yaalla magaalada yar ee Bruckstedt ee dalka Jarmalka, sida uu qoray wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Bild.

Tareenka ayaa ka soo ambabaxay magaalada Kiel kuna sii jeeday magaalada Hamburg,waxana nin uu mindi ku weeraray rakaabka wax yar ka hor 3-dii galabnimo,sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay booliska dalka Jarmalka.

Wax yar ka dib, bilaysku waxay ka soo qabteen tuhmanaha xarunta Bruckstedt.

Ma cadda sababta keentay weerarka. Iyadoo saldhiga loo xiray in booliska ay baaritaan ku hayaan arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post