321 Views

TPLF oo ku eedeysay dowladda Itoobiya in diyaaradaha Drones-ka ay ku weerartay caasimadda ah ee Mekelle.

TPLF oo ku eedeysay dowladda Itoobiya in diyaaradaha Drones-ka ay ku weerartay caasimadda ah ee Mekelle.
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Ciidamada Tigray ee ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay weerarro hor leh ay ka fulisay magaalada caasimadda ah ee Mekelle iyadoo adeegsaneyso diyaaradaha Drones-ka labo maalin uun kadib markii TPLF sheegtay inay diyaar u yihiin wadahadallo lagu soo afjarayo colaadda.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin eedeymahan loo jeediyay.

Getachew Reda oo ah sarkaal sare oo ka tirsan TPLF ayaa bartiisa soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in diyaaradaha Drones-ka ay duqeeyeen jaamacad ku taalla halkaas.

Ma jirto war madaxbanaan oo xaqiijinayo arrintani maadama adeegga isgaarsiinta gobolka uu xun yahay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post