831 Views

Midowga Yurub oo ka digay in khalalaaso amni uu galo Dalka Soomaaliya

Midowga Yurub oo ka digay in khalalaaso amni uu galo Dalka  Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado 9  Febraayo Qaranimo Online

Wakiilka Arrimaha Dibbada Midowga Yurub Josep Borrell ayaa soo saaray Bayaan ku saabsan heshiis la’aanta ka jirta arrimaha doorashada dalka Soomaaliya.

Bayaanka uu soo saaray Josep Borrell ayaa looga digey muddo kororsi aan arrimo farsamo ahayn iyo weliba is barbar yaac dhinaca doorashada dalka ah.

Qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa u qornaa sidan;

“Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waa muhiim in dhammaan kanqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.
Hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waa inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember.

Geedi socod kasta oo is barbar socda ama muddo kororsi, oo aan aheyn qaab farsamo ahaan waxaa loo tixgelin doonaa dib u dhac xoogan ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay.

Ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira wuxuu dhaawacayaa kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waxaa looga baahan yahay inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee qatarta ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin.

Dhinacyada oo dhammi waa inay muujiyaan hoggaan, oo ay tixgeliyaan danaha dadweynaha kana fogaadaan hadalada iyo ficillada hurinaya rabshadaha.” Ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay Wakiilka Arrimaha Dibbada Midowga Yurub Josep Borrell.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post