609 Views

Fiqi” Qoorqoor wuxuu si bareer ah u boobaya kuraasta beellaha”

Fiqi” Qoorqoor wuxuu si bareer ah u boobaya kuraasta beellaha”
____________________________________________________________________________

Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug in uu ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan maamulka Galmudug.
Wasiir Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Qoorqoor in uu howlan yahay boobka kuraasta ay leeyihiin beelaha maamulka Galmudug, taasoo caqabad weyn ku noqon karta deegaanada maamulka Galmudug oo Al-Shabaab bilihii lasoo dhaafay ay ku hayeen weeraro joogto ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiir Fiqi ayaa siddaan u qornaa:
Galmudug waxay waajahaysaa afar mushkiladood oo waaweyn oo kala ah:

Argagixisada Shabaab oo dhinacyo badan ka soo hareereysay, weeraro joogta ahna soo qaadaysa, kuwaasoo aan kala kulmayn maamulka wax cadaadis ah.

Ciidamo cabtoy ah oo Qoorqoor Muqdisho ka daabulay oo dhibaato iyo dhaqan xumo ku haya bulshada gaar ahaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin ama la geeyo.

Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda sii dhacaysa ee Villa Somalia, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.

Iyo ugu danbayn hogaan Qayru-mas’uul ah oo u muuqda in loo keensaday boob doorasho kaasoo aan wax dan ah ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinkaas waaweyn.

Galmudug hurdo maalinkii oo dhan ah iyo telefoon habeenkii oo dhan ah, qosol aan laabta jirin iyo xan aan cidna looga tureyn, safar joogto ah iyo ka ganacsiga siyaasadda laguma sii maamuli karo intaas oo ay wehliyaan ciidamada Gorgor.
Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkaye sida uu Qoorqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyinkaas, si gaar ah sida uu ula dhaqmo odoyaasha beelaha Galmudug iyo daahfurnaanta doorashooyinka ka dhacaya Dhusmareeb iyo Gaalkacyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post