876 Views

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ku wajahan Gobolka Gedo

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ku wajahan Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-16-2020–Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha wasiirka waxbarashada xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare ayaa lagu wadaa inay gaareen gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Garbahaareey, Luuq iyo Baladxaawo.

Xubaha Wasiirka wehlinayo waxaa ka mid ah sida la filayo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee barlamaanka Jamhuutriyadda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Gobolka .

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre siihayaha wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa marka uu gaaro caasimada gobolka gedo ee Garbahaareey waxaa uu dhagax dhigo doono gaabo waxbarasho oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka,waxaana uu usii gudbo doonaan magaalada Luuq oo si la mid ah uga dhagax dhigo doono ,

Sii hayaha wasiirka waxbarashada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa ugu dambeyn kusoo gabagabeyn doonaan safarkooda magaalada Balad-xaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan gooba kale oo lagu xoojinayo waxbarashada gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post