1170 Views

Shir ku saabsan horumarinta Waxbarashada oo ka furmay Nairobi

Shir ku saabsan horumarinta Waxbarashada oo ka furmay Nairobi
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 2, 2022

Wafdi ka socday Wasaaradda Waxbarshda dawladda Federaalka Soomaliya oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xasan, ayna qeyb ka yihiin Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Waxbarashada dawlad Goboleedyada dalka, ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Nairobi madaxda Bankiga Adduunka ee mashruuca Qarashaadka soo Laalaabta iyo Dib u habeynta Maaliyadeed, ee afka qalaad loogu soo gaabiyo (RCRF), kaasi oo looga hadli doono guulahii laga gaaray masharuuca horumarinta Waxbarashada ee sanadkii 2021, caqabadaha iyo qorshe Hawlayd-yada sanadka 2022, ayada oo ay madaxdu doodo iyo fallanqeyn ka yeelan doonaan sidii loo ballaarin lahaa adeegyada Waxbarashada iyo tayeynta Waxbarashada dalka ee uu maalgeliyo mashruuca (RCRF).

Shirkaan oo socon doona muddo Afar maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa sii joogteynta guulaha laga gaaray mashruuca gaarsiinta adeegyada Waxbarashada, dar-dar-gelinta qorshaha kormeerka iskuulada iyo tayeyntooda.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa soo bandhigtay qorshaha kormeerka iskuulada dalka ee danabaysan (Digitilzed System) kaasi oo ay diyaarisay Wasaaraddu dhawaana lagu sameeyey tijaabo ku dhawaad 60 Iskuul oo isugu jiray maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kalunka kusoo bandhigtay qorshaha kormeerka Qaran ee lagu kormeeri doono guud ahaan iskuulada dalka, si tayada Waxbarashada kor loogu qaado, loona gaarsiiyo Waxbarashada dalka heerarka caalamiga ah iyo kan Gobolka Geeska Afrika intuba.


Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post