6018 Views

Cabsho ay ka soo gudbisay beel ka tirsan beelaha Soomaaliyeed soo xulida oday dhaqameedyada !

Cabsho ay ka soo gudbisay beel ka tirsan beelaha Soomaaliyeed soo xulida oday dhaqameedyada !
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 25 06 2016 | Marka ugu horeysa waa mid aan sharciga waafaqsaneyn madama ay ansixiyeen gudiigii dowladu ay magacwday oo la isku ogaa in la bedelo. marka xiga waxaa si sharci daro ah loo magacabay suladaanno ama ugaasyo aan matalin reerka uu ka soo jeedo kaasoo uu u magacabay ama uu u qoray wasiirka reerkaasi ay leeyihiin oo aan kalsooni ka heysan beesha uu ka soo jeedo. Waxaa nidaamku yahay in laba xildhibaan oday dhaqamedkii ay isku raacaan loo aqoonsado odayga dhaqanka beeshaas.

Liiska-odayaasha3

Waxaa soo if baxaysa hadaan tusaale u soo qaadano in beesha SARUUR uu si aan sharciga waafaqsaneyn Wasiir ku xigeenka gaadiidka Xersi Aadan Rooble uu u qoray inuu yahay nin la yiraahdo Islaweyn oday dhaqameedka beesha isagoo wasiirku xigeenku uu ka been abuurtay Xildhibaan Jimcaale iyo Xildhibaan Sacdiya oo uu si been abuur ah saxiixooda ugu dhigay iney raali ka yihiin. baaritan kadibna ay sheegeen inaysan Islaweyn u aqoonsaneyn Suldaan isla markaana uu wasiir ku xigeenku masuuliyadeeda qaadi doono, waxaa kaloo wasiirka lagu heystaa in xogheyntiisu ay taleefan ku cabsiyeen rag bulshada ka mida iyagoo iska dhigaya Alshabaab.

Waxaa kaloo wasiir ku xigeenku uu ceeb u soo jiiday qaranka Soomaliyeed markii uu si sharci daro ah ku galay dalka Itoobiya lana dhigay xabsiga.

Wasiir ku xigeenka Xersi Aadan Rooble waxaa la sheegayaa in baaritaan uu ku socdo kadib markii uu fasax ku tegay dalka Ingiriiska uuna si hoos ah qaxootinimo iskugu dhiibay. Waxaan mar kale ka codsaneynaa in dowladu ay qabato qaladaadkaas oo kale haddii kale ay weyn doonta kalsoonida ay ku qabaan ummadda soomaliyeed.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment