663 Views

Xukuumadda & Ganacsatada Muqdisho oo guddi u saaray xakameynta COVID-19

Xukuumadda & Ganacsatada Muqdisho oo guddi u saaray xakameynta COVID-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3da Maarso, 2021:-Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay in ay kaalintooda ka qaataan xakameynta  iyo la tacaalidda cudurka Covid-19 ee dalka ku soo laba kacleeyay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Warbixin dheer ka siiay Ganacsatada xaaladaha Cudurka Coronavirus, iyada oo sheegtay in xaalad halis ah uu kujiro dalka.

Qaar kamid ah Ganacsatada kulank ka qeyb gashay ayaa balan qaaday inay kaalintooda ka qaadan doonan xakameynta  iyo la tacaalidda cudurka Covid-19 ee dalka ku soo laba kacleeyay.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Ganacsatada Muqdisho ayaa ku heshiiyay in la sameeyo Guddi ka kooban 12 Ruux oo ah Afar uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo 8 Xubnood oo laga soo xulay Ganacsatada, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dadaalka loogu jiro xakameynta  iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay dadaalka kaalntooda ka qaatan, isla markaana Bulshada Soomaaliyeed ay caawiyaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay dadka u dhimanaya iyo kuwa uu soo ridanayo cudurka Coronavirus guud ahaan dalka, waxaana Wasaaradda Caafimaadka ay shaacisay in ilaa iyo hadda ay diiwaangelisay 7,518.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post