2196 Views

Kalluumeysato Soomaali ah oo lasoo badbaadiyay

Kalluumeysato Soomaali ah oo lasoo badbaadiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 7, 2018 –  Ciidamada dowladda Sri Lanka ayaa xaqiijiyay in ay soo badbaadiyeen Kalluumeysato Soomaaliyeed,kuwaasoo dhawaan la waayay.

Ciidamada Badda dowladda Srilanka ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 3 qof oo Kalluumeysto Soomaali,kuwaasoo dooni ay saarnaayeen ay ku go’doontay xeebaha fog ee dalkaasi.

Waxa ay sheegeen in Kalluumeysata Soomaali xilli ay ku jireen howllo ka Kalluumeysi ah ay jihadda ka luntay taasna ay sababtay in maalmo badan ay badda ku jiraan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda Sri Lanka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo badbaadiyeen Kaluumeysata Soomaali ah uu Saacaddo badan  qaatay.

Waxaa uu sheegay in xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay,islamarkaana Isbitaal la geeyay.

Dhawaan ayaa la waayay ku dhawaad 10 Kalluumeysto ahaa,kuwaa soo ka shaqeysan jiray Xeebaha Soomaaliya.

kaluumeysato-soomaaliyeed-3 kaluumeysato-soomaaliyeed-2 kaluumeysato-soomaaliyeed-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment