1305 Views

Ganacsatada Soomaaliyeed Oo Ku Dhawaaqay Inay Joojiyeen Qaadkii Ka Imaan Jiray Kenya

Ganacsatada Soomaaliyeed Oo Ku Dhawaaqay Inay Joojiyeen Qaadkii Ka Imaan Jiray Kenya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 19, 2019–Guddiga Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ayaa manta magaalada Muqdisho waxa ay uga dhawaaqeen in ay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya kadib markii uu circa isku shareeray khilaafka diplumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Keenya

Gudiga ayaa sheegay in qaadkii ay ka keeni jireen  dalka Kenya in ay u wareejiyeen dalka Itoobiya haatan wixii ka dambeeyana ganacsiga qaadka uu halkaas u wareegay,go’aanka ganacsatada ayaa aad looga war dhowrayay maalmihii la soo dhaafay.

Arrintaa ayaa ku soo beegmeysa iyada oo dowladda Kenya dhawaan ay la baxday Safiirkeedii joogay magalada Muqdisho halka kii Soomaaliya u joogay dalkaasna dib u soo celisay,waxaana isi soo taraya muranka xuduud badeedka ee u dhaxeeya labada dal kaas oo sii xoogeystay markii Soomaaliya Shirkadihii shidaal baarisyta ka sameeyay Soomaaliya ay shir kula yeelatay London si ay ugu soo bandhigaan baaritaanadii ay sameeyeen iyo meelaha uu ku jiro Shidaalka

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment