957 Views

Galmudug oo bilaawday qiimeynta khasaaraha ka dhashay daadadkii Bacaadweyne

Galmudug oo bilaawday qiimeynta khasaaraha ka dhashay daadadkii Bacaadweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 06 2020–Guddigii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariya ayaa gaaray Deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta Gobolka mudug si ay u qiimeeyaan xaaladda Deegaanka oo ay saamayn xooggan ku yeesheen Roob ka da’ay halkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka mudug oo halkaas tegay ayaa ku soo dhaweeyay Guddi ka kooban Wasiiro kuwaasoo uu magacaabay Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug

Guddoomiyaha iyo Xubnaha Guddiga ayaa kormeer waxaa at ku sameeyeen magaalada oo ay ka muuqatay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la gaarsiiyo Gurmadyo kala duwan,waxaana la sheegay in dadka qaarkood ay barakaceen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment