1641 Views
____________________________________________________________________________

 

Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta billaabay xareynta odayaasha saxiixayaasha Galmudug,iyada oo qaar kamid ah odayaasha la dejiyay deegaannadii loo qorsheeyay.

Odayaasha ayaa waxaa ay guda galayaan hannaanka soo xulista xildhibaannada oo qayb ka ah dhameystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Guddoomiyha Guddiga farsamada Maamul u dhisidda Galmudug ayaa Odayaasha saxiixayaasha kula dardaarmay in ay si cadaalad ah ay u soo xulaan xilldhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Odayaashaan Maanta la xareeyey ay yihiin Odayaasha rasmiga ah ee saxiixayaasha Galmudug,xilli Maanta mid kamid ah beelaha dega Galmudug ay sheegtay in Suldaankoodii la bedelay.

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment