1206 Views

Ciidamada Dalka Senegal oo qabatey daroogadii uggu badneyn abid ay la wareegaan, taasoo ah nooca loo yaqaano Cocaine

Ciidamada Dalka  Senegal oo qabatey daroogadii uggu badneyn abid ay la wareegaan, taasoo ah nooca loo yaqaano Cocaine
____________________________________________________________________________

.

 Talaado: October 19, 2021

Madaxda dalka Senegal, ayaa qabatey daroogadii uggu badneyn abid ay la wareegaan, taasoo ah nooca loo yaqaano Cocaine.

Dalkan ayaa dhaca dhanka galbeed ee qaaradda Africa, iyadoo warkani ay soo tabisay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo kasoo xiganeysa ciidanka badda dalkani.

Culeyska daroogada la qabtey, ayaa gaaraya 2,026kg, taasoo laga soo qabtey Markab ku dhex socday badda, intii lagu jirey hawlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidanka cirka Faansiiska, iyo ciidamadda badda Senegal.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in markabka laga soo qabtey masaafo u jirta xeebta dalka Senegal 363km, iyadoo ay saarnaayeen rakaab gaaraya illaa iyo shan qof.

Galbeedka Qaaradda Africa, ayaa noqotey surinka loogga sii gudbiyo daroogada qaaradda Yurub iyo qaaradda America, qeybteeda koonfureed.

Bishii ina dhaaftey ee January, madaxda dalkani dariska la ah ee Gambia, ayaa qabatey ku dhawaad daroogo gaareysa saddex tone oo daroogada nooca Cocaine-ta ah, taasoo lagu soo dhex qariyey shixnad cusbo warshadeed oo ka timid dalka Ecuador.

Sawiro lasoo galiyey bar ay leeyihiin ciidanka badda ee Senegal, ayaa dadka lagula wadaagay sawiro, la leeyahay waxey kamid ahaayeen hawlgalkii dhacey axaddii.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post