1263 Views

Ciidanka xoogga dalka oo gaaray degaano hoos yimaada degmada Xarardheere

Ciidanka xoogga dalka oo gaaray degaano hoos yimaada degmada Xarardheere
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 05, -2019 —Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ee qeybta 21-aad oo uu hoggaaminayo taliyaha qeybta Janaraal C/Casiis C/llaahi(Qooje) ayaa howlgal qorsheysan ku gaaray degaanka Camaara ee gobolka Mudug.

 

Howlgalkan oo ah mid balaaran ayay ciidamadu ku galeen dhamaanba xaafada Camaara iyagoo shacabka halkaa deggan ka xog wareysanaya dhibaatooyinka heysta, maadaama inta badan degaankaasi ay yimaadaan Al-Shabaab.

 

 

 

Taliyaha qeybta 21-aad Janaraal (Qooje) oo la hadley Shacabka Camaara ayaa u sheegey in ciidamadu ay horay usii socon doonaan Qorshuhuna yahay in la gaaro dhamaanba deeganada kale ee aan Xorta aheyn.

 

Gaadiidka dagaalka ee xoogga dalka ayaa si rasmi ah ugu sugan waddooyinka Camaara, Waxaana Al-Shabaab ay jooggaan degaano hoos yimaada degaankaasi iyo degmada Xarardheere.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment