948 Views

Muwaadin Soomaali ah oo Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey london

Muwaadin Soomaali ah oo Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey london
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey Bashiir Gureey sidoo kalena  ka mid ahaa Ciyaartooydii Hore qaranka Soomaaliya ayaa waxa uu  xalay ugu geeriyooday Magaalada london Caabuqa Coronavirus.

 

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Bashiir Gureey uu la xanuun sanayey Cudurka COVID 19, hayeeshee ugu dambeyn uu u geeriyoodey xalay Saqdii dhexe,isaga oo ku jirey Isbitaal ku yaalla Magaalada london.

 

 

 

Warar kale oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan Soomaali kale oo la xanuunsan Cudurka Coronavirus oo uu kamid yahay Nin lagu Magacaabo Baana Cali oo in muddo ah degan dalkaasi Ingiriiska,sidoo kalena uu kamid yahay Madaxda Ciyaaraha ee London.

 

Si kastaba Soomaali badan ayaa Caabuqa Coronavirus ugu geeriyootey wadamo badan,sida Ingiriiska Sweden, Holand, Koonfur afrika iyo dalal kale,halka kuwo kale ay Isbitaallada iyo goobaha karantiilka la jiifaan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment