1071 Views

Kenya oo ka jawaabtey Eedeyntii Dowladda Soomaaliya

Kenya oo ka jawaabtey Eedeyntii Dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco  , Feberaayo 24, 2020 —Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay Kenya ku eedeysay inay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya,waxaana hadalkaas ka jawaabtey dowladda Kenya.

 

Afhayeenka Dowladda Kenya Korneyl Cyrus Oguna Dowladda Kenya ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

 

 

 

“Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray Dowladda Soomaaliya, kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbaahinta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan,” ayuu yiri Oguna.

 

Xadka magaalooyinka Mandera iyo Beled Xaawo ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Jubaland ay isku hor-fadhiyaan, waxaana taas ay keentay in shacab badan ay ka qaxaan dhanka xadka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment