1068 Views

Maxaan ka ognahay Isbaheysiyada & Hardanka Siyaasadeed ee hordhaca u ah doorashooyinka 20/21?

Maxaan ka ognahay Isbaheysiyada & Hardanka Siyaasadeed ee hordhaca u ah doorashooyinka 20/21?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 17 2020–Shirkii baaqday ee u dhexeeyey xukuumadda dhexe iyo dowlad-goboleedyada oo ay ahayd in uu Xamar ka dhaco 5-8-July-2020, hadaladii doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamanaka ku saabsanaa ee RW Kheyre ka jeediyey laba shir oo kamid ahaa  fadhiyada golaha xukuumadda, Baaqii guddoomiyaha Aqalka sare ee isna quseeyey doorashooyinka, Jawaabtii madaxweyne Farmaajo kabixiyey hadlkii 9 July-2020 hadal uu RW Kheyre ka jeediyey golaha Wasiirada isla 9-July-2020, Shirka u dhexeeya madaxda 5ta dowlad-goboleed ee 11-July-2020 ka billowday Dhuusamareeb, kaqaybgalka xukuumadda dhexe ee shirka Dhuusamareeb iyo hadalkii gud. Mursal ka jeediyey Fadhiga golaha shacabka  isugeynta dhammaan tallaabooyinkaas waxa salka ku hayeen sameysanka Isbaheysiyo iyo hardan siyaasadeed oo u dhexeeye labada heer ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadda waxa u sameysay si aan rasmi ahayn laba Isbaheysi oo iyaga oo aan lahayn magac ay mideysan yihiin billaabay tartan iyo isxulufeysi la xiriira doorashooyinka, sida ay u badan tahay labadan isbaheysi waxa ay ku tartamayaan sidii mid walba u xaqiijin lahaa ujeeddadiisa siyaasadeed ee kuwajahan doorashooyinka.

Isbaheysiga 1aad waxa horkacaya Villa Somalia waxa hoggaaminaya Madaxweyne Farmaajo, waxaana xubno ka ah

  1. Guddoomiyaha golaha shacabka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
  2. Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee GSH Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuddeey
  3. Raisalwasaare kuxigeenka garyaqaan Mahdi Maxamed Guuleed
  4. Tiro badan oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka

Muxuu rabaa Isbaheysigani?

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dheggan yahay kudhaqanka Dastuurka iyo hirgelinta xeerka doorashooyinka, hadalkii uu soosaaray 9-July-2020 ee uu uga jawaabay baaqa golaha Wasiirada waxa kamid ahaa:- “Madaxweyne Farmaajo ayaa  tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in aan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin

Xubno kamid ah Baarlamaanka federaalka oo falanqeeyey Ujeeddada ugu weyn ee madaxweynuhu kala leeyahay qabashada doorasho qof iyo cod ah (One person one vote) ama ugu dheggan yahay Dastuurka kmg ah iyo xeerka doorashooyinka waa in uu abuuro jawi suurageliya muddo-kordhin iyada oo loo marayo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo sidii guddoomiyaha guddiga doorashooyinku 27-June-2020 u sheegtay fadhiga golaha shacabka ay qabashada doorasho qof iyo cod ah  u baahan tahay muddo 13 bil ah.

Qofna lama soo istaagi karo codsiga iyo raadinta muddo kororsi hayeeshee madaxweynaha iyo dadka qaba aragtidiisu waxa ay iskudeyayaan in ay abuuraan Jawi lagu heli karo muddo kordhin, hayeeshee marna afka kama sheegayaan, waxa ayse awood badan geliyaan iskuna dhejiyaan hirgelinta xeerka doorashada oo qaba in doorashadu noqoto qof iyo cod xitaa haddii lagu gaaro karo 2 illaa 3 sano oo kale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post