978 Views

Nigeria dad ku dhintay dooni ay saarnaayeen oo quustay.

Nigeria dad ku dhintay dooni ay saarnaayeen oo  quustay.
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Waxaa la la’ayahay dhowr qof oo ku nool Waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria kaddib markii dooni ay saarnaayeen ay u kala go’aday laba qeybood kadibna quustay.

Rakaabka saarnaa doonida ayaau badnaa haween iyo carruur, kuwaas oo ka soo safray dalka Niger kuna sii jeeday gobolka Kebbi ee dalka Nigeeia.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in in ka badan boqol iyo labaatan qof ay saarnaayeen doontaasi.

Labaatan iyo laba qof oo keliya ayaa la soo badbaadiyay. Mas’uuliyiinta gobolka Kebbi ayaa BBC-da i u sheegay in kooxaha quusayaasha badda iyo shaqaalaha gurmadka ay ku howlanyihiin sidii loo badbaadin lahaa dadkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post